Musharaxiinta ugu cad cad doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland, xogtii u dambeyay+magacyada iyo sawirada

0

Waxaa la filayaa saacadaha soo socda in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha ka imaanaya maamul Goboleedka Jubbaland.

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Jubaland ayaa shalay qabtay codsiyada iyo diiwaangalinta xubnaha musharaxiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta Jubbaland.

Doorashadada ayaa mid xiiso ah leh waxaana ku tartamata xubno saameyn ku leh dowladda federalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Afarta Kursi ee Aqalka sare ee maanta lagu dooranayo Kismaayo waxay bilow u noqon doonta doorashada sanadkan oo la rumeysan yahay inay ka duwan tahay kana xamaasad badnaan doonto doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay.

Inkastoo Ololihii xalay ka socday Kismaayo aanu sidaa u saameyn badneyn, marka la eego dhaqaalaha la bixiyo xilliga doorashada, hase ahaatee musharaxiinta u tartamaya Kuraasta Aqalka sare ayaa ah kuwo Madaxtooyada Jubbaland wadatay, kuwaasoo aan walwal badan ka qabin Xildhibaannada dowlad goboleedka.

Afar Musharax ayaa ugu cad cad oo la saadaalinayaa inay soo baxayaan sida C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto oo labaduba horay Senataro u ahaa, C/risaaq Xasan Cusmaan iyo Ilyaas Badal Gaboose

Ilyaas Badal Gaboose oo u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka ayaa noqday musharaxii ugu horeeyey ee isdiiwaan galiya

Xubnaha la siiyey shahaadada musharraxnimo oo gaaraya lix ayaa waxay magacyadooda kala yihiin Ilyaas Badal Gaboose, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftiin Xasan Baasto, Abdirisaaq Maxamed Cismaan, Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Maxamed Axmed Sayid.

Muqdisho-Somalia