Musharaxiinta madaxweynaha oo bilaabay bixinta lacagaha ay siinayaan Xildhibaanada

0

Xiligan oo saqdhaxe ah islamarkaana magaalada Muqdisho ay bandow saarantahay ayaa xogo aan helnay waxey sheegayaan in xildhibaanada ay bilaabeen iney tagaan guryaha musharaxiinta madaxweynaha.

Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiligan lasoo warinayaa iney u yeerayaan xildhibaanada islamarkaana ay gacantooda fureen si ay u kasbadaan codadka xildhibaanada.

Farmaajo ayaa bixinaya 200,000 oo Dollar, Kheyre 100,000 oo Dollar, Sheekh Shariif ayaa lasoo wariyay inuu calaa xildhibaan siinayo 70,000 oo Doller, sidoo kale Hassan Shiikh ayaa isna bixinaya 70,000 oo Dollar, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna bixinaya 50,000$ oo Dollar.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay xildhibaanada shuruud ugu dhigtay iney seexdaan Villa Soomaaliya islamarkaana lacagta ay qaataan subaxdii.

Dhanka kale waxaa jira xogo sheegaya in Saciid Deni uu isna bixinayo 70,000 oo Dollar si uu u noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada qaar ayaa isku maraya ilaa afar musharax oo lacag ay ka qaadanayaan iyadoo aan la ogeyn midka ay codka siin doonaan.

Waxaa xusid mudan musharax madaxweyne oo laaluush bixiyay inuu sidaas xildhibaan ku noqoneynin maadama iyadoo taas horay ugu hungoobeen musharaxiin badan.