Musharaxiinta Mucaaradka Jubbaland oo taageero ka helaya Villa Somalia & Xaalka Axmed Madoobe

0

Xilli la filayo in deeganaada Maamulka Jubbaland ka dhacdo doorashada madaxweynaha Maamulkaas ayaa waxaa la qorsheynayaa in xildhibaanadda cusub ee hada la dhaariyey ay doortaan madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Maamulka.

C/raxmaan Sahal Yuusuf oo kamid ah siyaasiyiinta falanqeeya arimaha siyaasada dalka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha doorahsada Jubbaland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan saar la leedahay golaha isbedel doonka reer Jubbaland.

C/raxmaan Yuusuf oo sii hadlayay ayaa sheegay in golaha isbedel doonka ah qudhooda ay is khilaafsan yihiin isla mar ahaantaasna waxa uu sheegay ineysan la shaqeynin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland.

Xaalad cakiran ayaa ka taagan magaalada Kismaayo,halkaasi oo si aad ah looga dareemayo ololaha doorashada iyo musharaxiin iska soo horjeeda.

Dowladda Federaalka ayaa la dhacsaneyn sida ay hadda wax uga socdaan magaalada Kismaayo,islamarkaana waxay dhowr jeer ka hortimid habraacyada doorasho ee ka soo baxay Axmed Madoobe.