Musharaxiin miisaan culus oo maanta khudbad ka hor jeedin doono Teendhada Afisiyooni

0

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbad u jeedin doona xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa ay Farmaajo,Xasan Shekh iyo Shariif Sheekh Axmed ka mid yihiin illaa 19 musharax oo maanta la qorsheeyay inay la hadlaan xildhibaanada labada aqal.

Xildhibaannada labada Aqal oo shalay aad u yaraa hoolkana uu ahaa inta badan mid faaruq ah ayaa waxaa la filayaa inay maanta tagaan xildhibaano ka badan kuwii shalay.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Teendhada Afisiyooni iyo waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa, iyada oo ay shalay qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Barta-koontotool ee laga galo Garoonka Aadan-Cadde ee Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la filayaa in Teendhada Afisiyooni lagu qabto doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona 39 musharrax ee buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qofka tartamaya.