Murashaxiinta Galmudug Odawaa & Guutaale Dalab Cajiib Ah Hordhigay Danjire Yamamoto

0

Waxaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Mareykanka Ufadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto Murashaxiin katirsan kuwa utaagan Madaxweynaha Galmudug.

Kamaal Guutaale oo ka mid ah Murashaxiintaas ayaa si kooban uga hadlay waxyaabihii uu kala hadlay isaga Danjire Donald Yamamoto.

Waxaan maanta kulan is xog wareysi ah la qaatay Safiirka Mareykanka Danjire. Donald Yamamoto, waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed, midda amni iyo midda bani aadanimo ee ka jirta deegaanka Galmudug.

Waxaan si gooni ah oga hadalnay in deegaanka Galmudug ee ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ahlusunna wal jamaaca si mug leh looga qeyb galiyo siyaasadda, liisaska saxiixyasha ay noqdaan kuwii hore wax u soo xuli jiray iyo ciidamada ammaanka ineysan fargelin siyaasadda shaqadoodana ku ekaato sugidda ammaanka!!

Sidoo kale isna waxaa maanta la kulmay Danjire Yamamoto Murashax Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Xuseen Odawaa,kaas oo kala hadlay Arimaha Doorashada Maamulkaasi iyo inay noqoto mid Dawlada ka deyso fara gelinta.
Dad badan ayaa is weydiinaya Saameyna Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya uu ku yeeshay Arimaha Siyaasada iyadoo Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dawladuba ay kulamo kala duwan la yeelanayeen muddooyinkii lasoo dhaafay.