Home WARARKA Muran ka dhashay Heshiis qarsoodi ah oo ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia...

Muran ka dhashay Heshiis qarsoodi ah oo ay kala saxiixdeen Dowladaha Somalia iyo Denmarka + CADEYN

0
SHARE

Xisbiga Mucaaradka ee Dalka Denmark  ee Social Democrats ayaa sheegay inay u baahan yihiin in Caddaymo laga siiyo Heshiis lala galay DFS, si Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi loogu soo masaafurin karo Somalia.

Afhayeenka  Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye oo la hadlay Telefishinka TV 2 ayaa tilmaamay inay u baahan yihiin caddaynta ku aadan Heshiiskaasi, iyadoo aan la soconin Heshiiskaasi,  isla markaana ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu celiyey dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay qorsheynayaan inay la xiriiraan Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg, si wax looga weydiiyo Heshiiska Qarsoodiga iyo wax haatan socda.

Wasiiradda oo Farriin E-mail ku dirtay ayey sheegtay in Heshiiska lala galay DFS uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Heshiiska qarsoodiga ee dadka Soomaalida loogu celinayo Somalia.

Xildhibaan oo ka tirsan Isbahaysiga  (ENHEDSLISTEN) ayaa ku baaqay in si hufan loo eego Heshiiska Qarsoodiga ee lala galay DFS.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Nikolaj Villumsen waxa u uHeshiiskaasi ku tilmaamay fal dembi ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa sheegtay inay heleen Dukumenti muujinaya Hrshiiska ay  labada Dowladood gaareen, taasi oo lagu xusay in Soomaalida aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo Somalia.

 

Xildhibaanka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la isweydiiyo Heshiiska Denmark la gashay DFS, isagoo  isweydiiyey DFS ma tahay Dowlad shaqeysa mise waa Shabakad Dembiile ,waa sida uu hadalka u yiri.

Haweeney Soomaali oo lagu magacaabo  Saynab Iman Shikhow, oo deggan Deegaanka Vollsmose oo u dhow magaalladda  Odense ee dalka Denmark ayaa u sheegtay Telefishinka TV2 in ay Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi dhowr jeer isku dayeen inay iyada loo tarxiilo Somalia.

Saynab Iimaan Shiikhow ayaa sheegtay in Isku-daygaasi uu xiriir la leeyahay Wiilkeeda oo dalka Denmark laga masaafuriyey.

Si katsaba ha ahaatee, Wargeyska Politiken  waxa uu sannadkii hore qoray inay Dowladaha Denmark iyo DFS ku heshiiyeeen in 12 qof oo ka mid ah Soomaalida aan sharciga ku lahayn Denmark sannad kasta lagu soo celiyo dalka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE