Muqdisho Oo Arin Mar hore Dadku Ka Nasteen Dib uga bilaabatay

0

Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka waxaa lasoo sheegayaa inay dib uga bilaabatay burcad dadka habeen iyo maalin dhac ugeysaneysa.

Waxa Kooxahani yihiin kuwo ku hubeysan Bistoolado,Mindiyo iyo qaar Qoryaha fudud Ee AK47 Wata.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa waxaa maanta siyaabo dhowr ah Suuqa Bakaaraha loogu dhacay Afar Qof oo qaarkood gabdho ahaayeen.

Waxaan la kulmay gabar taas oo Warqaad usheegtay in Waddo Luuq ah ay labo nin kaga soo baxeen kadibna Bistoolad ku qabteen oo ay Mobilkeeda ka qaateen sida ay sheegtay.

Degmada Dharkiinleey Dhalinyaro isla socotay oo Labo ahaa ayaa Xaafada Korontada waxay sheegeen in rag ku labisan Dareeska Dawlada ay dhac ugeysteen Mobiladiina ka qaateen.

Qof jooga Buula xuubeey oo Degmada Wadajir ah waxaa uu isna inoo sheegay in Habeeno ka hor uu la kulmay dhalinyaro dhac la kulmay.

Inkastoo Laamaha amniga ay sanad ka hor ka suuliyeen kuwa dadka dhaca oo qaarkood la dilay iyagoo bajaaj ay wax ku dhacayeen watay qaarna la dhaawacay oo Baraha bulshada lasoo dhigay hadana dib ayey qowleysatada Dadka ku dhibaateenaya Xamar bilaabeen.

Ciidamada amniga ayaa looga fadhiyaa sida ay Shacabku leeyihiin wax ka qabashada arintaan soo laabatay ee dadku muddo ka nasteen.