Mooshin Xilka Qaadis ah Oo Villa Soomaaliya Abaabuleyso & Cida laga Wado

0

Akoonada Lacagta ayaa la jebinayaa si sandareerta loo bixiyo oo Xubnaha Taageerada lagu heli karo lasoo xero geliyo kii diidana la hor istaago.

Dawlada Soomaaliya Ee Hadda jirta hogaankeeda ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid cid walbo o ka hor timaada seefta ku qabata si ay iskaga hor wareejiso.

Balse waxaa adag in la helo dad wada taageera Qorshaha Madaxtooyada damacsan tahay oo ah in dib loo soo doorto Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxa la sheegay in Mooshin Xilka qaadis ah laga diyaarinayo,taas oo dhaqaale Xafiiska Farmaajo ku bixinayo sida la sheegay.

Diidmada Kulanka Dhexmari lahaa Gudoonka Aqalka Sare iyo kan golaha Shacabka waxa uu abuuray Guux siyaasadeed ooh or leh.

Waxa uu diiday Cabdi Xaashi Cabdullaahi in Laga faa’iideysto Xildhibaanada Wasiirada Ubadan ee Sharciga Doorashooyinka Sidaas awgeedna uu dalbaday in Golaha Shacabka markii ay kasoo dhamaato,uu Aqalka Sare soo gaaro.

Waxay taas sabab ka dhigtay in Xildhibaanada qaar abaabulaan Qorshe Xilka looga qaadayo Gudoomiye Cabdi Xaashi,lamana oga sida ay arintaas ku dhici doonto.