Mooshin ka dhan ah Xukuumada cusub oo Baarlamaanka laga abaabulayo

0

Sida xogta aan ku helnay xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah Xukuumada cusub ee magacaaban taas oo hortegeysa golaha shacabka.

Xildhibaanadaan oo ubadan kuwo kasoo jeeda KGS iyo Galmudug ayaa diidi doona golaha wasiirada cusub ee lasoo magacaabay shalay iyagoo sheegay in dad gaar ah lagu qanciyey xilalka xukuumada lasoo dhisay.

Mooshinkaan ayaa waxa la ogeyn inay ka gudbi doonto xukuumada oo ay codka kalsoonida heli doonto,mise waxay qaadi doontaa Xukuumadihii hore wadadii ay mareen qeybtood oo la diiday kalsoonidana laga hor istaagay.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee golaha shacabka Sacdiya Samatar ayaa la sheegay inay xildhibaano ay hor boodeyso qeyb ka yihiin mooshinka,xilli gudoomiye Aadan Madoobe oo xubno ku yeeshay Xukuumada cusub isaguna uu codka kalsooni raadinta ku mashquulsan yahay.

Warar hoose ay ogaatay Warqaad ayaa sheegaya in RW Xamse Cabdi Barre uu codsaday inuu la kulmo xildhibaanada golaha shacabka ka hor inta aan xukuumada la hor geyn si ay kalsoonida ugu qaadaan.

18 sano ka hor 2004-tii Xukuumadii KMG aheyd ee Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa loo diiday codka kalsoonida xilli Baarlamaankii Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa Nairobi hor istaageen.