Midowga Xildhibaanada Zakariye Xaaji & Fowsiya Xaaji [Warbixin]

0

Isbaheysiga Iskaashi Ee Xildhibaanada Zakariye Maxmauud Xaaji Cabdi iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay sameysteen waxa uu yahay mid macno kale Abuuray.

Labada Xildhibaan waxay kawada tirsan yihiin Golaha Shacabka,waxay dadka qaar Ee Siyaasada odorosa ay ku sheegeen inay ka dhigan tahay inay ku raadsanayaan Awood dhaqaale.

Inkastoo la rumeysan yahay in labaduba Siyaasiyiin il dheer yihiin hadana inay ka keeni doonaan Guul doorashada 2021-ka lama siin karo fursad badan.

Balse waxay Isbaheysiga Iskaashi oo Labada Xildhibaan uu kula midoobay C/llaahi Sheekh Xasan oo Ah Siyaasi Reer Muqdisho ah Xil wasiirna kasoo Qabtay Koonfur Galbeed ayaa ah Tiir lama jebiye unoqon kara Xiddigaasi Khadka dhexe ujooga.

Waxa uu C/llaahi Sheekh Xasan Soo dumi karaa,soona jiidan karaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano isagoo xod xodasho kusameynaya lacagna kusoo jiidan kara.

Wasiirkii hore Ee arimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isna Isbaheysigii Dib Uxoreynta Asmara ka mid ahaa ayaa waxay iyaguna hadda sii bilaabayaa inay Isbaheysiga Iskaashi ay xididada usii adkeeyaan.

Hadii ay waayaan fursad kale waa inay Codka ay Helaan Doorashada ay ka iibsadaan Murashaxa ugu jeebka buuran Ee Doorashada 2021-ka Madaxweynaha Raadinaya.