Midowga Musharaxiinta oo war cusub ka soo saaray khilaafka Rooble iyo Farmajo+Digniin

0

Golaha Midowga Musharaxiinta oo war saxaafadeed soo saaray ayaa waxa ay kaga hadleen  xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo  fashilka mar kale ku yimid xalinta  khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble kaa oo walaac cusub abuuray.

Qoraalka ka soo baxay Musharaxiinta waxey ku sheegeen in Ra’isul Wasaare Rooble sameeyay tanaasul badan si loo xaliyo khilaafka taagan, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo in caqabad ku noqday wadahadalka iyo in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Golaha ayaa sheegay iney indhaha ku hayaan dhaqdhaqyada ciidan iyo qalqal gelinta amni oo ay wadaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin iyagoo xusay in  mas’uul ay ka noqon doonaan wixii dhaca.

Waxa ay ugu baaqeen Musharaxiinta Ra’isul Wasaare Rooble in uu dar dargaliyo qabsoomida  doorashada gacantana ku dhigo amniga dalka, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in uusan gor gortan ka gelin heshiiskii 27-dii May.

Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta: