Safiirka xilka ka sii tegaya ee dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo.
André oo waraysi siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa tibaaxay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.
Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Qaramada
Midoobay waxay tiradda dhimashada ku sheegtey in ay ka badan tahay 300 ruux oo u badan dad rayid ah. “Si cad ayaan u sheegnay halka aan ka taagannahay dagaalkaas. Wadahadalkii aan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada labaduba waxaan ku sheegay in sii socoshada dagaalka ay ka dhalan karaan cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray: “Go’aannada noocaas ah waxaa gaara mas’uuliyiin sare oo ku sugan Washington, xiriir joogta ah ayaana la leenahay oo ku aaddan xaaladda. Marka la gaaro go’aannadaas, lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabateynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadnay tallaabadaas oo ah mid aan jeclayn balse laga fursan waayay”.
“Waxaan cunaqabateynta soo rognaa marka tallaabooyinka dhinacyada ay ka dhashaan arrimo si toos ah uga horimanaya danaha aan ka leenahay Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo guul gaarta, isla markaana si buuxda dib ugu soo kabatay,” ayuu kusoo xiray.
Laascaanood ayaa xudun u ah muran dhuleedka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ay qeyb ka yihiin Sool, Sanaag iyo Ceyn. Dagaalo qaraar oo horey u dhexmaray labada dhinac waxay galaafteen nolosha dad badan.
Muqdisho-Somalia