Mid kamid ah Guddiyada doorasho ee Rooble magacaabay oo walaac soo saaray

0

War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga Xaqiijinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa walaac ka muujiyay aragtiyo siyaasadeed oo ay ka filan karaan maamul goboleedyada.

Guddiga aya waxa uu sheegay iney cabsi weyn ka qabaan ilaalinta  Dowlad Goboleedyada ee Qoondada haweenka ee Labada dhinac.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in ay walaac xoogan ay ka qabaan waxa ka socda Magaalada Kismaayo, maadaama shaki weyn ay ka qabaan kuraasta Haweenka ee kasoo bixi karta Magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in musharixiinta kasoo baxday Jubbaland ay isha ku hayeen guddigooda, waxaana ay ka dalbatay Madaxweynaha Jubbaland in uu kasoo baxo kaalintiisa ku aadan xaqiijinta qoondada haweenka.

Sidoo kale waxaa jira in sanadkan ay doorashada adagtahay islamarkaana musharaxiinta Ragga ee madaxtinimo radinaya ayna diiradda saaraan musharaxiinta ragga ah ee u taagan doorashada Xildhibanimo ee Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia