Meydka wiil dhalinyarro ah oo Khayre kusoo dhaweeyay Baydhabo oo la helay

0

Saraakiisha ammaanka magaaladda Baydhabo, caasimadda ku meel gaarka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyey in duleedka caasimdda gobolka Bay, laga helay meydka wiil la sheegay in uu dhalinyarro yahay.

Eheladda marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Mad-Caliyow ayaa waxaa la tilmaamay in uu kamid ahaa dhalinyaradii halkaas kusoo dhaweysay dhowaan ra’iisul wasaaraha dalka, mudane Xasan Cali Khayre.

Sidda uu horey u baahiyey Warqaad, Mad-Caliyow ayaa waxaa mudooyinkii dambe la laa, waxaana la tuhunsanaa in ay qafaalatay AlShabaab, wallow aysan illaa iyo haatan kooxdu dusha saaran mas’uulka falkan.

Sawirro laga soo qaadey meydka oo sababo jira awadeed aanan loo baahin karin ayaa nan muujin rasaas lagu beegsaday.

Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in khaarijintiisa loo adeegsaday midkood Ceeji ama Sun loogu daray Cuno ama Raashiin.

Qoyska marxuumka ayaa ka codsaday laamaha ammaanka in ay cadaalad u helaan wiilkooda, waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in lagu guuleysan in maxkamad lasoo taago “gacan ku dhiigleyaasha”.