Meydka Askari katirsan Ahlusuna caawa la geeyey guriceel & jawiga oo kacsan

0

Wararka inaga soo gaaraya caawa magaalada guriceel ayaa sheegaya in halkaasi meel duleedka ka ah lagu arkay meydka qof xiran dareeska ciidamada dawlada lagu yaqaano.

Lama oga cida dilka geysatay iyo waxa uu salka ku hayo balse dharka uu wato ayaa lagu qiyaasay inuu yahay askari katirsan Dawlada Soomaaliya.

Deegaanka lagu magacaabo Qarsooni oo degmada Guriceel kaga beegan dhinaca Galbeed, ayaa Dadka deggan waxay sheegeen in lagu dilay marxuumkaasi.

Dableyda falka geysatay ayaa la sheegay in ay wateen Gaari nuuca loo yaqaano Borobokiska, kadib dilkana halkaasi iskaga baxsaday.

Warar kale ayaa sheegaya in meydka la geeyey fiidnimadii caawa magaalada guriceel iyadoo la sheegayo in askariga la dilay uu ahaa mid ka mid ah Ahlusunadii guriceel qabsatay.

Goobta falka uu ka dhacay waxaa gaaray Saraakiisha Amniga ee Ahlusuna, ee Guriceel hada ka arimiya,iyadoo meydka ninkaasi caawa maqribkii laga qaaday.