Meydadka Al Shabaab Uga Tageen Weerarkii Awdheegle Oo Dawladu Heyso

0

Dawlada Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkaasi ayaa waxa dhinacyada ay mid walbo guul ka sheegteen iyadoo war ka madax banaan in la helo ay adag tahay.

Taliyaha Ciidamada Luqta Ee Dawlada Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada Dawlada ku guuleysteen inay Ka hortegaan damaca Al Shabaab oo weerar kusoo qaaday.

Dagaalkii Awdheegle waxaan ku dilnay Ugus Badan,meydkooda oo aan Xisaab laheyn ayaan heynaa,Qaar iyagoo nool lagu qabtay ayaa sidoo kale jira,ayuu yiri Odawaa Raageā€¯.

Al Shabaab dhankooda waxay warbaahinta taageerta ku daabaceen inay Tobaneeyo Askari ku dileen weerarkii gaadiidka Ismiidaaminta u adeegsadeen ku bilowday ku qaadeen Awdheegle.

Isbuucii hore dhamaadkiisa ayey Al Shabaab waayeen gacan ku heynta Awdheegle,waxaana Dawladu ay sheegtay inaysan ujoojin doonin weerarada ay soo qaadayaan Al Shabaab howlgalada ay Deeganaada Shabellaha Hoose ku xoreenayaan.