Maxkamadda Gobolka Banaadir oo war kasoo saartay kiis musuq-maasuq oo…

0

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta u fariisatay fadhiga labaad ee gal-dacwadeedka lambarkiisu yahay MRGB/109/2023, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Fadhiga Maanta ayay Maxkamaddu ku dhageysatay qeyb kamid ah Caddeymaha uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud kuwaas oo isugu jiray rasiidyo lacag-qabasho iyo tiimbarayaal lid ku ah qaar kamid ah eedeysanayaasha.

Maxkamadda ayaa inta ay socotay dacwadda ka dalbatay Xafiiska inuu u soo gudbiyo Caddeymahiisa qaab nidaamsan oo lays raacinayo Caddeymaha isku nooca ah, tiradooda iyo sidoo kale eedeysanaha ama eedeysanayaasha ay lidka ku yihiin. Sidoo kale Maxkamadda ayaa fartay Xafiiska inuu soo gudbiyo Jaantuska Dhaqdhaqaaqa akoonada eedeysanayaash.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka codsaday inay siiso waqti dheeraad uu isugu soo duwo caddeymihiisa, halka Qareennada eedeysanayaasha oo ka jawaabay codsiga Xafiiska ay kasoo hor jeesteen waqtiga dheeraadka ah uu dalbaday Xafiiska, iyaga oo Maxkamadda ka codsaday in aysan aqbalin codsigooda.

Gabagabadii, Maxkamadda ayaa fursad u siisay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud inuu muddo hal toddobaad ah kusoo nidaamiyo caddeymaha uu u hayo kiiskan, una soo gudbiyo qaabka ay isku leeyihiin isaga oo sheegaya tiradooda iyo waxa ay kala yihiin.