Home WARARKA Maxkamad Yurub Ku Taalla Oo Xukun Ku Riday Wiil Falastiini Ah Oo...

Maxkamad Yurub Ku Taalla Oo Xukun Ku Riday Wiil Falastiini Ah Oo Aflagaadeeyey…

0
SHARE

Ciidamada Amniga ayaa waxay xireen Nin udhashay  Falastiini ahaa oo ku noolaa Magaalo ku taalla Waddanka Swizarland.

Xariga ayaa ka dambeeyey sida la sheegay markii uu aflagaado Ninkaas ugeystay Nin Yuhuudi ah oo watay Fanaanad Erayo Lahji naceyb ku ah Falastiin ku qornaayeen.

Buuq iyo Aflagaado kadib waxay ku dhawaatay inay is gacan qaadaan Labada Nin oo Isra’iil iyo Falastiin kasoo kala jeeday.

Warbaahinta Waddanka Swizarland waxay sheegeen in Maxamed uu maxkamad kala kulmay Xukun xabsi ah kaasi oo dhan 4 bilood.

40 Jirka la Xukumay ayaa sheegay in wax khalad ah uusan sameyn balse ninka Yuhuudiga uu helay Garab kuwo ay isku mabda’ yihiin.

Yuhuuda ayaa gumeysata Dhul ballaaran oo ku yaalla waddanka Flaastiin,kuwaasi oo xitaa dila,dhaawaca oo Xabsina ku gura dadka udhasha Falastiin.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE