Maxkamad ku taal Mareykanka oo dambi ku heshay Sarkaal si dhow ula soo shaqeyay Siyad Barre

0

Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamadii Militariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo haystay.

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano Tuke ayaa lagu helay eed aheyd inuu masuul ka ahaa jir dil 31 sanadood ka hor loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhaw ah

Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda.

Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaan qaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay.

Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987.

Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la waydiin jiray, la jir dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay.

“Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yiri Farxaan” wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan.