Maxay Wafdigii Qaramada Midoobeey Maanta Kala Hadleen Madaxweyne Xaaf?

0

Xubnahaan Oo ka socday Qaramada Midoobay gaar ahaan UNSOM ayaa waxay Maanta gaareen Magaaladda Dhuusamareeb, Ee Gobolka Gal gaduud.

Waxaana  ujeedka Socdaalkooda uu ahaa inay Sahmiyaan Goobihii ay ka dagi lahaayeen Magaalada Dhusamareb ee Caasimada Maamulka Galmudug, taas oo horay loogu balamay Socdaaladii kuwaan ka horeeyey ee ay Galmudug ku tageen waxa ayna Kormeer ku tageen Goobo dhowr ah, Kuwaas oo Muhiim u ah.

Wafdigaan ka socday Qaramada Midoobay ayaa Marka ay gaareen
Magaalada Dhusamareb waxa ay Kulamo kula qaateen Xarunta Madaxtooada Galmudug Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele ( Xaaf) waxa ayna isku afgarteen siddii loo soo dedajin lahaa dhismaha Xarunta weyn ee Hay’adaha Qaramada Midoobay ku yeelan lahaayeen Magaalada Dhuusamareb.

Markii Kulamadu soo dhamaadeen ayaa waxaa Warbaahinta  uga warbixiyey Wafdiga Maanta gaaray Magaaladda Dhuusamareb iyo waxyaabaha ay u socdeen Agaasimaha Warbaahinta iyo Xirriirka Bulshada Madaxtooyada Galmudug C/wali Jaamac Barre.