Home WARARKA Maxay tahay Ujeedka ka dambeeya Kullanka ay yeelanayaan R/wasaaraha Talyaaniga & Emanwal...

Maxay tahay Ujeedka ka dambeeya Kullanka ay yeelanayaan R/wasaaraha Talyaaniga & Emanwal Makroon?

0
SHARE

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Jiseepe Koonte waxa uu maanta  xaqjiiyey Kulanka uu  Madaxweynaha Faransiiska, Emanwal Makroon la yeelanayo berrito oo Jimco ah, kadib, markii ay xalay ku wada hadleen Khadka Telefoonka.

Hadal-qoraal o oka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Faransiiska hoosta ka xariiqay inuusan marnaba sheegin hadal wax u dhimaya Talyaaniga ama Shacabkiisa.

Maalmihii la soo dhaafay, Faraniiska iyo Talyaaniga waxaa soo kala dhex galay Khilaaf Diplomaasiyadeed ee ka dhashay Go’aankii ay Dowladda Talyaaniga ku diideen in Markab ay la socdeen boqolaal Muhaajiriin ah ku soo xirto Dekeddaha Talyaaniga.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE