Maxaadan Ogeyn Oo Maanta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb?

0

Madaxweyne Ku ku-xigeenka Mudane Cali Dahir, ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe), dardar-gelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto siyaasadda dawladda ee ku aadan helida biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Mudane Cali Ciid, ayaa hoosta ka xariiqay in biyuhu ay asaasi u yihiin nolosha aadanaha, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo, waxaa kale oo intaasi uu raaciyay in tamartuna ay bud-dhig u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wasaaradana looga fadhiyo ka faa,iideysiga ilaha tamarta.

Ugu danabeyntii, Madaxweyne ku xigeenka ayaa xilalka ukala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Axmed Shire Falagle, iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe)

Xilwareejinta waxaa goob joog ahaa wasiir ku xigeenada Wasaarada wasaaradda , Hanti dhowrka guud ee Galmudug iyo agaasinka wasaaradda & howlwadeenada iyo marta sharaf kale.