Maxaa lagu xasuusan doonaa Farmaajo kadib marka laga guuleysto?

0

Madaxdii hore waxaa la beddeli jiray iyadoo aanay jirin dhibaatooyin muuqda oo dadka haysta, laakiin la rajeynayo isbeddel soo kordhiya wax ka fiican wixii markaas la haystay. balse maamulka Farmaajo waxaa loo arkaa inuu abuuray duruufo adag oo dheeraad ku ah wixii jiri jiray.

Dadka siyaasadda danneeya ayaa aaminsan in waxa ugu horreeya ee haddii uu Farmaajo meesha ka baxo la filaayo ay tahay nafis iyo neecaaw dhanka amniga iyo kalsoonida siyaasiyiinta ah.

Waxaa la soo maray shan sano oo si isku mid ah looga wada cabsanayay Dawladda iyo Shabaab. Waxay ahayd marxalad aanan hore loo arag oo Xildhibaannada iyo siyaasiyiintu ay qarashka ugu badan gelinayeen iibsashada hub iyo Tikniko ay naftooda uga ilaaliyaan cadaw ka fog iyo mid u dhaw oo si isku mid ah ay uga baqaan.

Muhiimadda ugu weyn ee ay doorashada berrito dhacaysa leedahay waa in la kala dooran doono joogteynta iyo ku sii jiridda noloshii cabsida iyo ciriiriga lahayd, iyo in la helo reyreyn iyo rajo hor leh oo meesha ka saarta kala-shakigii iyo kalsooni-la’aantii soo kala dhex gashay Dawladda dhexdeeda iyo Dawladda iyo shacabkaba.

Muqdisho-Somalia