Dagaal afka ah ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Alshabaab, kadib eedeynti uu Xasan Sheekh ka jeediyay dalka Turkiga oo ku saabsaneyd inay Alshabaab lacago u diro kooxaha argagixisada ee ka jira dalalka Nigeria iyo Mozambique.
Alshabaab ayaa si lama filaan ah jawaab degdeg ka bixisay arrintan, iyadoo beenisay warka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh, waxayna ku qaaday weerar shaqsi ah oo ay ku tilmaameyso Madaxweynihii ugu liitay iyo ereyo kale oo weerar ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii waday beegsiga Alshabaab iyo fikirkeeda, wuxuuna ku baaqay dagaal wejiyo badan leh oo uu la geli doono Alshabaab, isagoo ku tilmaamay koox aan ‘Islaam’ shaqo ku lahayn oo qowleysato ah, ayna xadeen diintii islaamka.
Amiirka Alshabaab Axmed Diiriye ‘Abuu Cubeyda’ ayaa farriintiisii Ciidul Adxaa ee shalay si toos ah oo shaqsi ay u weerarray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo si aan looga baran u adeegsado ereyo culus, taasoo soo shaac bixisay dagaalka culus ee labada dhinac mar kale u dhaxeeya.
Mac-hadka Hiraal ayaa arrintan muujinayso inay si aad ah madaxda Alshabaab u dhegeysanayaan go’aanka dawladda cusub ee ah inay ka hortagto kooxda iyo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen wajihidda xaaladda cusub.
Alshabaab ay xilligii dowladii Farmaajo lagu sheegaa inay heshay xasilooni ay ku kordhiso awoodeeda, kuna guuleysato inay lacago badan ka urursato magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigtay awood weyn oo ka barbar dhisan dowladda Federaalka.
Dagaalkan cusub ee warbaahinta ay ka dhex socda ayaa salka ku haya in Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh ay ka go’an tahay inuu dagaal ku wajaho Alshabaab, taasoo uu ka dhigtay qorshaha ugu weyn ee dowladiisa sida uu shaaciyey.