Maxaa kala socotaa kulan xalay ka dhacay Guriga uu deggan yahay Farmaajo?

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed muhiim ah waxaa kulan uu ka dhacay hoyga uu muqdisho ka deggan yahay Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa ahaa mid udhaxeeyey Farmaajo & Ugaaska Beesha Xasan gashireedle Ugaas Maxamed Xasan Yarow,iyagoo arimo dhowr ah iska xog wareystay.

Ujeedka kulanka aya ahaa is xog-wareysi iyo is cafin,Ugaas Yarow ayaa ahaa saxiixihii 19 Xildhibaan ee Jubaland lagu dhisay,kuwaas 2019-kii uu saxiixo ka noqday mar kale doorashadii uu sameyay Axmed Madoobe.

16-ka Xidlhibaan ee lagu doortay Ceelwaaq ayuu kulahaa saameyn taban maalmahaan dambena waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho inkastoo madmadow uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxda Jubbaland isfahamwagaa ayaa ka dhashay doorahsada kursiga uu hadda ku fadhiyo Xidhibaan Daqare.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa kulamada uu la leeyahay salaadiinta dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxay aheyd mid ballaaran,isagoo inta badan ka raaligelinayey dhaqanka iyo siyaasiyiinta uu la kulmay hadii wax tabasho ay ka qabeen hab maamulkiisii nabad iyo nolol.

Sida la odorosay Farmaajo ayaa hadda sii bilaabaya ololaha dib udoorashadiisa,taas oo badi dadku ay bogaadiyeen inuu kaga fiicnaaday isku xirka iyo abaabulka bulshada Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh Ee hadda dalka ka jirta.