Maxaa iska badalay siyaasadii Imaaradka Carabta uu ka lahaa Soomaaliya?

0

Imaaradka Carabta oo kamid ah dowladaha qaniga ah ee xulufada la ah Sacuudiga ayaa galangal siyaasadeed oo weyn waxa uu la lahaa Soomaaliya dowladan Farmaajo tii ka horeysay ee Xasan Sheekh iyo midi Sheekh Shariif.

Imaaradka ayaa sidoo kale wali saameyn ku leh dowladan Farmaajo iyadoo dhowr jeer ay dhexmartay xurguf siyaasadeed oo gaartay heerkii ugu sareysay.

Sanadkan 2021 Imaaradka Carabta ayaa doonaya iney soo celiyaan doorkoodii siyaasadda Soomaaliya iyaga oo qorsheynaya iney soo saartaan madax ay wataan oo danahooda gobalka iyo tan Soomaaliya u fuliya.

Ilaa hadda si toos ah uma cada shaqsiga ay dooneyso Imaaradka iney soo saarato laakiin xogo aan helnay ayaa sheegaya in xoogaa ay luntay kalsoonidii ay ku qabtay siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwaa oo dhowr jeer lacago loo diray aan u isticmaalin siyaasadii loogu talagalay.

Waxaa dhanka kale jira xogo sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota wasaaradda arrimaha Dibadda iney casuumeen qaar kamid ah musharaxiinta islamarkana ay halkaas kula kulmi doonaan.

Dhanka kale Imaaradka ayaa ka cabsi qabta inuu Farmaajo soo noqdo kaa oo laf dhuun gashay ku noqday imaaradka Carabta afartii sano ee uu xilka hayay/

Muqdisho-Somalia