Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, Sen Abdullahi Ali Hersi Timacadde iyo xubno kamid ah mudanayaasha labada aqal ku matala SSC ayaa gaaray Laascaanood.
Masuuliyiinta ayaa kulamo la qaatay Isimada SSC iyo Guddiga aayo ka tashiga arrimaha Sool iyo Sanaag.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Guddigan uu ka shaqeyn doono sidii ciidamada Somaliland looga saari lahaa deegaanada Sool iyo Sanaag gaar ahaan magaalada Laascaanood.
Waxaa dhanka kale xogo aan helnay tilmaamayaan in Guddigan uu saanad military iyo hub siin doono dadka dagaalamaya ee reer Laascaanood.
Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ka digtay in la farogeliyo xiisada Laascoonood waxaana muuqata in hadda dagaalka uu sii balaaranayo.