Mas’uul katirsanaa Xafiiska R/wasaare Rooble oo qaraxii maanta ku geeriyooday

0

Dadkii saaka ku dhintay qaraxii ka dhacay isgoyska ceel gaabta ee Magalaada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Hibaaq Abuukar oo howlwadeenada Xafiiska R/wasaare Rooble ka mid aheyd.

Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xaqiijiyey geerida Hibaaq isagoo ka tacsiyadeeyey.

“Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd  dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab.

Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.

Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka.

Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo . Iyada iyo  intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo”.