Mas’uul dowladeed oo isku day dil kaga badbaaday Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari Axadda maanta ah ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayay waxyeelo kasoo gaareen weerarkan, oo illaa iyo haatan aysan jirin koox sheegatay.

Illo wareedyo ayaa tilmaamaya in dadka dhaawacmay ay kamid tahay Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga, Khadiijo Iimaan Caynte

Shaqsiga kale ayaa waxaa la tibaaxay in uu yahay darawalkii Gaarigaasi oo magaciisa lagu soo koobay Aadan Yare.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka hay’addaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Amniga caasimadda ayaa mudooyinkii dambe u muuqday mid soo hagaayey, wallow falal liddiga ku ah ay dhacdooyinka maalmaha ah kamid yihiin.