Masar oo dhabar jebisey Turkiga ciidamo soomaaliyeedna uqaadeysa Dalkeeda

0
14

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Bar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Dawladda Masar ayaa kordhisey galaan galkeeda Soomaaliya iyadoo dooneysa inay kala wareegto mashaariicda Turkidu ay ka sameyso Soomaaliya sida Tababarida ciidamada iyo waxyaabo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tegay bishii July sanadkaan Magaalada Qaahira halkaasi uu kula soo kulmay dhigiisa Dalkaasi C/fitaax Al siisi,ayna heshiis ku galeen mashaariicyo dhowr ah inay wada fuliyaan labada dal.

Warqaad ayaa heshay xog ah in ciidamadii ugu horeeyey ee Soomaaliya loo tababaro laga qaadi doono dhawaan Muqdisho kuna wajahan Qaahira,waxaana lasoo tebinayaa in ciidamada la tababarayo ay Soomaaliya ka caawin doonaan nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.