Markab ku degay xeebaha Soomaaliya & Xaalada Shaqaalihii la socday Oo..

0

Arbacadii waxaa Markab ay leeyihiin Mareykanka uu soo bad baadiyey 15 shaqaale Markab la socday oo xaalad halis ah ku galay meel ku dhaw Xeebaha Soomaaliya.

Markab ganacsi ay la socdeen Bad maaxiintaan 15-ka ah ayaa waxa soo wajahay xaalad adag markii uu quusay qeyb ka mid ah markabka ay saarnaayeen.

Warbixin laga helay Koox arimaha Badda ka shaqeysa oo fadhigoodu yahay Magaalada London ayaa ku war geliyey Ciidamada Badda Mareykanka ugurmashada kooxdaasi markabka la degay.

“Waxaa loo fidiyey shaqaalaha markii lasoo bad baadiyey adeeg caafimaad,cunto iyo biyo la siiyey,sida warsaxaafadeed soo baxay lagu sheegay”.

Mid ka mid ah Matoorada Markabka lagu magacaabo Falcon Line ayaa cilad qabsatay la sheegay in uu shilkaasi ku yimid,xilli uu marayey agagaarka Gacanka Cadmeed.

Markabkaan quusay ayaa ah mid shixnado ganacsi waday,waxaana uu ka diin waan gishan yahay Waddanka Gabon,sida warbixinta lagu ogaaday.

Lama sheegin dalalka ay kasoo kala jeedaan Bad baaxiyiinta 15-ka ah ee la bad baadiyey Markabka degayna la socday.