Home WARARKA Mareynkanka & Kenya oo dalalka Khaliijka kaga digay iney Xasaradooda saameyn ku...

Mareynkanka & Kenya oo dalalka Khaliijka kaga digay iney Xasaradooda saameyn ku yeelato Soomaaliya

0
SHARE

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika(Africom) oo kulmay magaalada Nairobi ayaa waxay si aad ah uga hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo sida lagu xasilin karo xasaradaha siyaasadeed ee haatan dalka ka jira.

Waldhauser wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka. Xasilooni-darada ayaa qayb ahaan sabab u ah faragelinta aan tooska ahayn ee dalalka Khaliijka qaarkood ku hayaan Soomalaiya,ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Waldhauser.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka illaa inta xukuumaddiisa federaalku ay diyaar u noqoneys inay aqbasho taageeradayada,” ayuu yiri Waldhauser.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afric,ayaa ugu baaqay Wadamada Khaliijka iney qaboojiyaan Xiisadooda Siyaasadeed oo soo gaartay Soomaaliya.

Sidoo kale,kala duwanaanshaha iyo khilaafka ka dhaxeeya Wadamaa Carabta ayuu sheegay iney Khilaaf iyo xasarado siyasadaeed ka abuurtay Soomaaliya,wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah arrintaasi xal waara looga gaaro,Mr. Waldhauser.

Khilaafka ka dhex jira Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Qadar ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya,taasi oo sababtay in Imaaraadka Carabta xiriirka u jaro Soomaaliya oo go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Xiisada Khaliijka.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE