Mareykanka oo kudhawaad 200 Milyan deg deg ah usiiyey Soomaaliya

0

Dawlada mareykanka ayaa waxay sheegtay in lacag gaareysa 199 milyan dollar ay ugu yaboohday dadka Soomaaliyeed si kuwooda ubaahan gar gaarka loogu caawiyo.

Hay’ada USAID ayaa iyadoo kaashaneysa Wasaarada Arimaha Dibada Mareyklanka waxay ku dhawaaqday lacagtaan oo ay ugu talo galeen in lagu kordhiyo taageerada bini’aadanimo ee dadka Xaaladaha macluusha ah ku wajahaya Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay soo food saartay tobanaan sano oo cunto la’aan ah, qul qulatooyin rabshado ka dhashay, abaaro ku dhuftay iyo mowjado fatahaadyo ah, kuwaas oo dhammaantood ay ku darsantay Cudurka COVID-19.

Dhaqaalahaan 199 milyan ee dheeriga ah waxay ka dhigeysaa isku geynta Taageerada Mareykanka ee dhinaca Bini’aadanimada Soomaaliya ay gaareyso $ 408 milyan ee Sannad-maaliyadeedka 2021 illaa maanta la joogo.

kudhawaad 5.9 milyan oo ruux ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo gudaha Soomaaliya, qiyaastii 3 milyan oo ka mid ah dadkaasi ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, iyadoo cunno yari iyo baahiyaha bani’aadamnimo ay kusii kordheen.

In ka badan 640,000 oo qof oo ka baxay Soomaaliya ayaa weli magan-galyo u raadsanaya dalalka deriska ah.