Mareykanka oo DFS u qishay qaabka loo yareyn karo in dadku garsoor u doontan AlShabaab

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dowladda federaalka Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto.

Kulanka labadda mas’uul oo ka dhacay safaaradda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda garsoorka waddanka iyo dib u habeyn balaaran oo ay xukuumadda haatan jirta ku sameyneyso.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee Warqaad in dhinacyadda ay isla soo qaadeen arrimo ay kamid yihiin dadka garsoorka u aada degaanada AlShabaab.

Yamamoto ayaa u sheegay Baashe in qaabka kaliya ee loo yareyn karo ama wax looga qaban karo ay tahay in dib loosoo celiyo kalsoonida uu shacabka ku qabi karo maxkamadaha dowladda.

Mareykanka ayaa wuxuu ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga.