Mareykanka Oo Arinta Puntland Deg Deg War Uga Soo Saaray [AKHRISO]

0

War kasoo baxay Dawlada Mareykanka ayaa walaac looga muujiyey Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya kasoo cusboonaatay.

Xukuumada Washington ayaa waxay ka hadashay xaalada Soomaaliya, iyadoo ku boorisay Dawlada Federaalka, Dawlad Gobolleedyada, Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo, iyadoo loo maraya wadahadal nabadeed.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah, waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Danjiraha Mareykanka ayaa warkaan soo saaray kadib Walaac uu ka dareemay Dagaalka Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ka dhex jirto,Xaalka Puntland oo ugu dambeysay,jawiga Galmudug iyo Jahwareerka dhanka Jubbaland.

Donald Yamamoto ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay Xasilooni Siyaasadeed Oo Soomaaliya Lagu soo dabaalo.