Mareykanka oo aan la dhacsaneyn xukuumadda uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xamse+arrin kasoo socota USA

0
10

Dowladda Mareykanka ayaa niyad-jab ka muujisay in hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow, uu wasiirnimo ka helay xukuumada magacaaban.

Xukuumadda Washington ayaa, sidda illo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen waxay ka walaacsan tahay “saameynta xun ee ay ku yeelan karto taageerada Congress-ka”.

Xeerka Leahy Law ee soo baxay 1997-dii ayaa mamnuucaya in Maraykanka uu taageero dawlad kasta oo cilaaqaad toos ah la leh kooxaha argagixisada iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Sharcigan ayaa shaki wuxuu horseedi karaa in maamulka cusub ee la wareegay talada Soomaaliya uu waayo taageeradda maaliyadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho Ameerikaanka.

Mareykanku waxa uu qeyb weyn ka qaatay taageerada la dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika isagoo ka taageeraya tababarka iyo qalabeynta ciidamada gaarka ah ee Danab “kuwaasoo furimaha dagaalka ku ciqaaba AlShabaab”.

“Ma dhici doonto in dowladda Soomaaliya ay taageero dhaqaale iyo mid milateri ka hesho Mareykanka, sababtoo ah taasi waxay jabineysaa sharciga federaalka ee Mareykanka,” ayay raaciyeen ilo-wareedyada.

Haddii ay tani dhacdo, dabcan waa talaabo si weyn u wiiqi doonta ololaha la doonayo in maleyshiyadda Al-Shabaab looga sifeeyo goobaha ay ka maamulaan dalka xilli ay haatan bilaabeen in ay isku sii fidiyaan dalalka deriska ah.

Todobaadki hore ayay ahayd markii kooxdan hubaysani ay kasoo weerareen magaalada Aato ee xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo keentay cabsi weyn oo dhanka amaanka ah wallow xaalada si ballaaran loo xakameeyey.

Sida laga soo xigtey illo wareedkan, Mareykanka ayaa sidoo kale wuxuusan raali ka ahayn xubin kale oo kusoo baxay golaha sababo ku aadan “karti xumo iyo musuqumaasuq uu ku kacay intii uu kamid ahaa dowladdii hore”.

Walaacaan ayaa imaanaya muddo labo bilood ah kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay madaxweyne u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo soo afjartay dowladdii Farmaajo oo ku fashilmay siyaasadda gudaha iyo dibadda.

Mogadishu-Somalia