Magacyada saraakiil ajaanib ku jiraan oo Al Shabaab looga dilay G/Hiiraan

0

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa oggaatay magacyada qaar kamid ah Horjoogayaasha Argagixisada looga dilay howlagalada Ciidanka XDS ay ka wadaan  gobolka hiiraan.

Deegaano dhinaca jiinka wabiga Shabeelle kaga beegan deegaanka Booco oo dhawaan argagixisada laga saaray ayay Ciidanka gaar ahaan guutada 18-aad kumaandooska XDS Gorgor howlgalkii ay ka sameeyeen ku dileen

1- Horjooge Cabdiraxmaan Giir oo magaciisa afgarashadu yahay (Digsi)

2-Horjooge Maxamed Yusuf oo magaciisu afgarashadu yahay (Abuu Nucmaan)

3- Horjooge Abuu Yaxye oo dhalasaho ahaan kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo  kamid ahaa horjoogayaasha maleeshiyaadka  aragagixisada Al-shabaab  ee ay Ciidanka XDS ku dileen howgalada ka socda gobolka Hiiraan sida uu Warbaahinta C.Q.S u sheegay  Dhamme Maxamed Xirsi Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad kumaandooska Xds Gor-gor.