Madoobe,Dani,Lafta Gareen,Waare & Qoor qoor Oo Xamar Lagu Hakiyey

0

Sida ay sheegeen ilo wareed lagu kalsoon yahay oo laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxda Dawlad Gobolleedyada ay kusii negaan doonaan Muqdisho maalmo.

Warar ayaa sheegaya in Dani,Madoobe,Lafta gareen,Qoor qoor iyo Waare ay sii joogi doonaan Muqdisho.

Dawlada Dhexe ayaa la sheegay in ay hakisay Madaxda inay dib ugulaabtaan Magaalooyinkii ay ka yimaadeen inta laga meel marinayo Heshiiska Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed badankood ayaa u arkay Heshiiskii ka dhacay Muqdisho inuu ahaa mid Dalka iyo Dadka uhorseedi kara Xasilooni siyaasadeed.

Inkastoo la dhowrayo Doorashada Soomaaliya ayaa hadana heshiiskaasi uu u yahay mid yadadiiladiisa ku xiran tahay dhaqan galka heshiiskaasi.