Home WARARKA Madaxweyne Xaaf Oo Guul iyo Guuldaro Maanta iskugu darsantay//Jawiga Oo Kacsan

Madaxweyne Xaaf Oo Guul iyo Guuldaro Maanta iskugu darsantay//Jawiga Oo Kacsan

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa uu ka guuleystay Maanta mid ka mid ah Mucaaradkiisa Siyaasadeed,kadib Kulan ka dhacay Dhuuso mareeb.

Warar ay Warqaad Heshay ayaa sheegaya in Xaaf uu abaabulay Kulanka Xildhibaanada ay Mooshinka Xilka kaga qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada Qaar ayaa Lacago waxa siiyey Xaaf,waxaana 147 Mudane oo Kulanka xaadiray sida la sheegay in 146 ka mid ah Codka kalsoonida kala laabteen Gacal islamarkaana hal xildhibaan uu diiday.

Madaxweyne Xaaf ayaa u arkaya in Cali Gacal Casir ceerintiisa ay ku xigi karto Meesha in isna laga saari karo Madaxweyne Kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabeey oo Gacal Casir ay isku siyaasad ahaayeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Xaaf ayaa ku guul dareystay siyaasad kale oo la abaabulay markii Taliskii Booliska Cadaado uu xirmay ciidamaduna gadoodeen.

Warar ayaa sheegaya in Dawlada Dhexe ay Abuurtay Qalalaasaha Magaalada Cadaado ka jira ayna Xaalada midna farxad gelisey midna ay murug ku abuurtay.

NAGA FILO WARAR DHEERAAD AH INSHA ALLAAH

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE