Madaxweyne Waare Oo Seeftiisa Gasha Kala Baxaya,Si Uu U Qanciyo Reer Hiiraan

0

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya oo ay Warqaad ogaatay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeella Mudane Maxamed Cabdi Waare uu seeftiisa gasha kala baxay.

Waxa la doonayaa in Isbadel lagu sameeyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tani waxay muujineysaa in uu Mr Waare ka jawaab celin doono Ashtako ay soo gudbiyeen reer Hiiraan oo ay ku Eedeeyeen in Gobolka Hiiraan keliya uu isbadel Hogaankiisa ku sameeyo.

Markaan waxay ubadan tahay in Xilka laga qaado oo Xubno cusub loo magacaabo gobolka Shabellaha Dhexe.

Xilka Gudoomiyaha Sh/Dhexe waa sanado haya Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) iyadoo lagu qancinayo Arintaasi Dadka Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa saldhigiisa Shaqo waxa uu yahay Caasimada Maamulka HirShabelle oo ah Jowhar,inkastoo magaaladaasi weli aan la sheegin inaysan udhameystirneyn Ilkaaniyaatkii Maamul.