Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo Xoolo nool ku wareejiyey Muslimiinta dalkaas

0

Madaxweyne kuxigeenka Dalka Kenya, William Ruto ayaa ku wareejiyey Muslimiinta dalkiisa Xoolo nool, si ay u gowracaan Maalinta Ciidda carafe ee berri ku beegan.

Golaha Imaamyada Dalka Kenya, oo uu horkacayo hoggaamiyaha masjidka Lands, Sheekh Axmed Al Uthman, ayaa ka guddoomay ariga Madaxweyne kuxigeenka Kenya, William Sameoi Ruto soo gaarsiiyey.

William Ruto, ayaa u rajeeyey Muslimiinta inay si nabad gelyo ah ugu dabaal dagaan Ciiddooda ee Al-Adhxaa.

Maalinta beri Talaadada ah ayaa lagu wadaa iney noqoto Maalinta Ciiddul Adhxaa, iyadoo dhammaan Muslimiinta dunida ay qaban doonaan dabaal degyo waa weyn oo lagu xusayo.