Farmaajo oo ka hadlay dib u doorashada Abyi Axmad iyo guusha xisbigiisa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaalia Maxamed Cabdullahi Farmajo ee muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa war kooban ka soo saaray dpoprashadii ka dhacday dalka Itoobiya oo xisbiga Abyi Axmad uu ku guuleystay.

Farmaajo ayaa hambalyo u diray Abyi Axmad iyo shacabka reer Itoobiya, waxaana uu Farmaajo intaa ku daray in uu la shaqeyn doono dowladda Itoobiya islamarkana uu sii xoojin doono xiriirka kala dhaxeeya.

Hadal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “ waxaan ka sii shaqeyn doonaa xiriirkeena sii adkeyntya xiriirkeena soo jireenka ah kaa oo faa’ido u leh dadka ku nool Labada dal, iga gudoon hamlyo kal iyo lab ah”

Itoobiyada uu hogaaminayay Abyi Axmad ayaa xiriir dhaw la leh Farmajaha uu waqtigiia dhamaaday iyadoo heshiisyo dhowr ah ay wada galeen Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaa oo wali aan fulin islamarkana uu marun xoogan ka taagan yahay fulintooda waxaana kamid ah dekado uu Farmaajo u saxiixay Itoobiya.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa  shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya.

Wuxuuna guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.

Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale.

Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen.

Muqdisho-Somalia