Home WARARKA Madaxweyne Dani Oo Lacag Badan Ku Bixiyey Maanta La Kulanka Murashaxiintii Uu...

Madaxweyne Dani Oo Lacag Badan Ku Bixiyey Maanta La Kulanka Murashaxiintii Uu Ka Guuleystay (SAWIRRO)

0
SHARE

Murashaxiintii la tartamay Madaxweyne kuxigeenka iyo madaxweynaha Puntland ayaa waxay maanta kulan la yeesheen Hogaanka La doortay.

Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed Dani ayaa Qado sharaf usameeyey Murashaxiintii uu ka guuleystay islamarkaana Lacag badan ku bixiyey Kulankaasi.

Murashaxiinta uu Dani ka guuleystay lana kulmay maanta waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,waxaana Qado Sharafta daba socotay Erayo Xifaalo iyo foorjo iskugu jiray.

Doorashadii taladaadii Isbuucaan dhacday waxay weji cusub uyeeshay Xiisaha Siyaasada Soomaaliya maadaama Puntland la sheego inay tahay Hooyadii Federaalka Dalka.

Wareysigii BBC SOMALI uu siiyey Madaxweyne Dani ayaa abuuray jawi kale oo Siyaasada la xiriira dawlada ayaana dib uga degtay ku dhawaanshiyihii Daniga Dal Udug loo dhiibay hogaankeeda.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE