Madaxweynayaashii hore ee dalka oo hal arrin kaga guuleestay madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qorshe uu la damacsanaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Xasan Sheekh oo wareysi bixinayay ayaa waxa uu ka hadlay dhacdooyin dhowr oo Farmaajo uu ku sameeyay isagoo sheegay inuusan waxba u reeban.

Xasan Sheekh ayaa xusay in marka 1-aad uu Farmaajo uu lacagta ka jartay ciidamadii ilaalinayay ee u gaarka ahaa sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa uu zaadkii ka jartay.

Waxaa kaloo uu madaxweynaha uu ka hadlay Laba jeer oo laga hor istaagay inuu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde mar uu u socday Baladweyne iyo mar uu u socday Kismaayo.

“Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu rabo inuu dagaal la galo madaxweynaashii hore ee dalka islamarkaana uu dhaho waxey ku dhinteen iska hor imaad sidaasna uu xukunka ku joogo isagoo ujeedkiisa yahay xitaa inuu ugu yaraan shacabka nacsiiyo.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Xasan Sheekh weerarkii 19-Feb oo uu sheegay iney aheyd gardarro cad oo daandaansi ah” “Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Farmaajo kaga guuleystay dulqaad iyo cod karnimo iyo bulsho kaga dhawaasho taa oo ay muuqato iney dad badan ku kasbadeen.

Waxaana sidoo kale la isku raacay in ficilo guracan uu ku kacay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday islamarkaana wax badan loo gagsaday.

Horay waxaa  Farmaajo ugu dhaartay Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo sheegay in dalka laga saari doono hadii uu isku dayo inuu madaxdii ka horeysay hor istaago islamarkana uu xukunka xoog ku heysto.

Muqdisho-Somalia