Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kenya iyo ujeedka safarkiisa oo la ogaaday+safar kale oo ku xiga

0

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta gaaray magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Saciid Deni ayaa maanta galinkii dambe ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaana safarkiisa xaqiijiyay saraakiil sar sare oo katirsan madaxtooyada PL.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Saciid Deni uu u sii duuli doono caasimada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ma cadda ujeedka rasmiga ah ee safarkiisa kuwaa oo wadamada Itoobiya iyo Kenya uu ku kala bixinayo balse xogo aan helnay ayaa sheegaya iney qeyb ka tahay khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashada.

Lama oga in madaxweynaha Puntland uu la kulmi doono wafdiga Qatar ee maanta iyana halkaa gaaray kuwaa oo kulan la yeeshay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kuwaa oo isla maanta soo celiyay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee DF iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in uu Dani kulamo la yeelan doono qaar kamid ah madaxda dalka Kenya si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa madaxda Puntland iyo Jubbaland ku cadaadineysa ineysan la kulmin wafdi ka socda Qatar iyadoo sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmad uu isna diiday inuu kulan la qaato saraakiisha ka socotay Qatar.

 

Muqdisho-Somalia