Home WARARKA Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen Oo Ciidamada Itoobiya Amnigiisa La Wareegeen Xilli...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen Oo Ciidamada Itoobiya Amnigiisa La Wareegeen Xilli Uu Maanta Gaaray…

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa waxa uu maanta socdaal ku gaaray Magaalada Diinsoor Ee Gobolka Bay.

Boqolaal Dadweyne ah ayaa kusoo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Horkacayey,waxaana kadib loo galbiyey goobta loo diyaariyey.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa amnigiisa waxaa aad u adkeenaya Ciidamo Itoobiyaan ah,kuwaasi oo nabad gelyada sugaya.

Waxay Sheegeen Maamulka Degmada Diinsoor inay ubaahan yihiin ka gacan siinta Adeegyada Bulshada oo ay ka liitaan Deegaanka.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Madaxweynaha inta uu joogo Diinsoor uu la kulmi doono Qeybaha Kala duwan Ee Bulshada Deegaanka.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE