Home WARARKA Madaxweynaha Galmudug oo safar lama filaan ah ku tagay Gaalkacyo & Farmaajo...

Madaxweynaha Galmudug oo safar lama filaan ah ku tagay Gaalkacyo & Farmaajo oo….

0
SHARE

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga uu hogaaminayo  Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ka mid ah qaar kamid ah labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Galmudug waxana ujeedada ay u gaareen magaalada Gaalkacyo lagu sheegay inay ka mid tahay sidii ay uga  qeyb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka uu soo gaaro Galmudug inuu booqan doono dhammaa degmoyinka ay maamusho Maamul goboleedka Galmudug si uu indhiisa ugu arko baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Guud ahaan ammaanka guud ee degmooyinka Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada Galmudug uu ka bilaabi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ku sugan deegaano ka mid Maamul goboleedka Puntland waxaana la filayaa in dhowaan uu booqdo qaar ka  mid ah degmooyinka hoos yimaada Galmudug.

 

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY