Home WARARKA Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Tarsan & Fariintii...

Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiir Tarsan & Fariintii Farmaajo Uu Gudbiyey

0
SHARE

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu maanta Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub Ee Soomaaliya Umagacowday Dalkaas Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Waxa uu Tarsan ka mid ahaa xubnaha sida dhaw Madaxtooyada Soomaaliya saameynta ugu lahaa,mar waxa uu ka mid noqday Lataliyeyaasha Gaarka ah Ee Madaxweyne Farmaajo.

Duqii Hore Ee Muqdisho Tarsan ayaa Warqadaha Safiirnimo maanta ugudbiyey Uhuru Kenyatta waxaana laga gudoomay warqadahaas.

Tarsan ayaa toos ula wareegaya Safaarada Soomaaliya Ee Nairobi,waxaana shaqada muddo sii hayey Cali Bagadi oo booskaas qabtay Markii Jamaal Maxamed Xasan uu Safiirka ka tegay.

Danjire Tarsan ayaa Dhambaal ka yimid Madaxweyne Farmaajo ugudbiyey Uhuru kenyatta kaas oo ahaa mid salaan walaalnimo aheyd.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE