Home WARARKA Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Taariikh Ka Dhigay Kulankii Wasiirada Uu Maanta...

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Taariikh Ka Dhigay Kulankii Wasiirada Uu Maanta Shir Gudoomiyey [SAWIRRO]

0
SHARE

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Dani & Kuxigeenkiisa ayaa waxay shir gudoomiyeen Kulankii Golaha wasiirada Puntland.

Ugu horeyn Kulankaasi waxa uu ahaa mid isbarasho islamarkaana Wasiirada ay umuujiyeen Hogaanka Cusub in Shaqada alle ufududeeyana urajeeyey.

Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/weli Gaas iyo kuxigeenkiisii C/xakiin Xaaji Cameey ayaa sidoo kale kusugnaa Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyada Puntland.

Siciid Dani ayaa waxa uu sheegay inuu rajeenayo Qofka Aqoontiisa inuu uga faa’iideeyo Puntland Dal Udug ku magac dheer islamarkaana ay ballan tahay in Hormarka ka shaqeyn doonaan.

Taladaadii Doorasho ka dhacday Magaalada Garowe ayaa waxa Siciid Dani loogu doortay Madaxweynaha Puntland waxaana sidoo kale Axmed karaash laga dhigay Kuxigeenkiisa.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE