Madaxweyen Cali Guudlaawe oo xilka qaadis deg deg ah sameeyey (Magaca)

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe xuseen ayaa galabta xilka qaadis ku sameeyey taliyihii ciidamada daraawiishta hirshabelle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxa lagu magacaabay taliyaha cusub ee dawlad gobolleedka hirshabelle Gaashaanle sare Cali Idiris Cismaan kaas oo noqonaya Taliyaha Daraawiishta Hirshabelle.

Waxa xilka laga qaaday General Cali Cabdisalaan Axmed iyadoo loo cuskaday shaqada cusub loo maray hufnaan iyo in isbadel lagu sameeyo hanaanka taliyeyaasha ciidanka hirshabelle.